spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweynaha Burundi Oo ka walaacsan afgambi kaga imanayo Rwanda

Talaado 25, March 2025 {HMC} Madaxweynaha Burundi, Évariste Ndayishimiye, ayaa shaaciyay in uu socdo qorshe la doonayo in dalkiisa lagu soo weeraro, sidoo kale xukunkiisa lagu afgambiyo, waxa uuna diray qeylodhaan ku aadan in laga hortago qorshahaasi uu sheegay in la diyaarinayo.

Évariste Ndayishimiye, ayaa sheegay in dowladda Rwanda qorshenayso weerar ay kusoo qaado Burundi , una afgambiso dowladiisa, waxa uuna xusay in uu helay warbixinno sirdoon oo ku aadan weerarka dalkiisa lagu soo qaadayo laguna afgambinayo xuunkiisa.

Madaxweynaha dalka Brundi ayaa sidoo kale ku eedeyay dowladda Rwanda inay taageerrayso jabhadda lagu magacaabo Red Tabara, waxa uuna tilmaamay in jabhadan ay lamid tahay midda M23 oo ka dagaallanta dalka DR Congo meylo badan oo dalkaasi kamid ahna dhawaan qabsatay.

Waxa uu sheegay in dowladda Rwanda qorshaheedu yahay in la afgambiyo madaxda hoggaamisa dalalka Brundi iyo DRC Congo, waxa uuna intaa raaciyay in Rwanda dooneyso in talada labada dal la wareegaan xubno iyaga u shaqeeya.

Eedeyntan culus ee kasoo yeertay Madaxweynaha Burundi, Évariste Ndayishimiye, waxaa durba beenisay dowladda Rwanda, waxa ayna warkaasi ku tilmaantay mid waxba kama jiraan oo lasoo dhoo dhoobay, iyaga oo meesha ka saaray in ay qorsheeyeen weerar ay ku qaadaan Brundi.

 

WARARKA