spot_imgspot_imgspot_img

Madaxwayne Xasan Sheekh oo markale dib ugu laabanaya Furimaha dagaalka.

Talaado 25, March 2025 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta markale lagu wadaa inuu dib ugu laabto furimaha dagaalka ee deegaanada ka tirsan gobolka shabeelada Dhexe.

Maalin ka hor ayay aheyd markii madaxweyne Xasan Sheekh uu Muqdisho yimid si uu ula kulmi guddoomiyaha midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf, kaasi oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa tilmaamaya in madaxweynaha uu maanta tago degmada Cadala, isagoona halkaasi ka bilaabi doono howlgalka wejigiisa labaad ee Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu la kulmi doonaa odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan bulshada ku nool degmada Cadale ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Saraakiisha ilaalada madaxweynaha ayaa ku sugan degmada Cadala, iyagoona si weyn u sugaya amniga madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa abaabul culus ka wada deegaano ka tirsan gobolka Shabeelada Dhexe, waxaana madaxweyne ka go’an siddii Al-shabaab looga saari lahaa deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug.

Safarka uu maanta ku tagay madaxweyne Xasan Sheekh degmada Cadale ayaa kusoo aadaya, xili uu dhawaan safar noocaan oo kale ah uu ku tagay furimaha hore ee dagaalka degmooyinka Aadan Yabaal iyo Moqokori oo ka kala tirsan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, halkaas oo kulamo lagu dardar galinaayo dagaalka Al,shabaab uu kula soo qaatay saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo hoggaamiyaasha ciidanka Macawiisleeyda.

WARARKA