spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} MW Xasan Sheekh Oo Dib Ugu Laabtay Furimaha Dagaalka Ka Dhanka Ah AS

Talaado 25, March 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu laabtay deegaanada uu ka socdo abaabulka howlgallada ka dhanka AS, kaddib markii uu caasimadda Muqdisho kulammo kula qaatay Guddoomiyaha Cusub ee Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa magaalada Raaga Ceelle ee Gobolka Shabeelada dhexe kula hadlay, boqolaal ka mid ah halyeeyada xaq u dirirka ah ee Macawisleeyda deegaanka, isaga oo ku booriyay sida ay uga go’an tahay in dhibaatada AS ay uga dulqaadi lahaayeen dadkeenna.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaas kaddib gaaray degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha dhexe, halkaan oo uu kasii wadi doono hoggaaminta abaabulka iyo howlagallada ka dhanka ah AS.

WARARKA