Isniin 24, March 2025 {HMC} Waxaa dalka Sacuudiga ka bilaabanaya wadahadallo nabad loogu raadinayo dagaalka u dhaxeeya iyo Ruushka, kaas oo u dhaxeeya saraakiil kala metalaya Mareykanka iyo Ruushka.
Wadahadalladan waxay daba socdaan kulamo gaar ah oo u dhaxeeyay Ukraine iyo Mareykanka, oo ka dhacay isla Sacuudiga, kaas oo wasiirka gaashaandhigga Ukraine uu ku tilmaamay “kuwo mio dhal ah”.
Weerarrada Ruushka ee Ukraine ayaa sii socday ilaa saqdii dhexe ee xalay, iyadoo Ukraine ay sheegtay in Ruushka uu fuliyay 99 weerar oo xaga cirka ah.
Duqeyn uu Ruushka Sabtidii ka geystay Kyiv ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan saddex qof, oo uu ku jiro canug yar oo shan sano hir ah.
Ukraine ayaa sidoo kale duqeymo ka geysaneysa Ruushka, iyadoo milatariga Ruushka ay sheegeen, in 28 diyaaradood laga hor tegay xalay.
Dhanka kale, waxaa lagu soo warramayaa in wariyeyaasha laga codsaday inay isaga baxaan hoteelka uu ka bilowday wadahadalada u dhaxeeya Ruushka iyo Mareykanka oo ka dhacaya Riyadh, Sacuudiga, sida lga soo xigtay wakaaladda wararka ee Tass.
Wakaaadda wararka iyo al Carabiya, ayaa labaduba ku soo warramaya in wadahadallada lagu wado inay bilowdaan iyadoo albaabadu u xiranyihin.