Isniin 24, March 2025 {HMC} Lataliyaha Madaxweynaha Falastiin Dr. Riyad Malki ayaa ku gacan seyray qorshaha madaxweyne Donald Trump ee ah in Falastiiniyiinta laga raro Qaza loona wareejiyo dalalka Carabta ee Bariga Afrika, sida Suudaan, Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland.
Waxa uu sheegay in dalalkaasi aysan aqbali doonin Falastiiniyiinta, isla markaana ay ka door bidayaan inay dhintaan intii ay ka tagi lahaayeen dalkooda.
Dr. Malki, oo ka qayb-galayay dabaaldegga 35-aad ee madax-bannaanida Namibia, ayaa xaqiijiyay sida ay Falastiiniyiinta uga go’an tahay inay sii joogaan dhulkooda.
Qoshaha Maraykanka iyo Israel ayaa la kulmay cambaarayn baahsan, iyadoo inta badan dunidu ka hortimid in qaxootiga Falastiiniyiinta la dajiyo waddamada Suudaan iyo Soomaaliya.
Dr. Malki ayaa dhaleeceeyay isku dayga Donald Trump uu ku doonayo in uu ra’yigiisa xoog ugu soo rogo, tallaabadaas oo kicisay falcelin xooggan oo caalami ah, iyadoo dalal badan ay ka muujiyeen caro iyo niyad jab ku aaddan soo jeedintiisa.
Dr. Malki ayaa diiday habka Trump uu aaminsan yahay in nabad lagu raadinayo ee ah xoogga iyo gacan ka hadalka, isagoo ku tilmaamay mid aan macquul ahayn.
Dr. Malki ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay cambaareynta beesha caalamka ee qorshaha Trump, gaar ahaan dalalka Namibia iyo Koonfur Afrika.
Waxa uu taageeradaas u sababeeyay xidhiidhka soo jireenka ah ee Falastiin iyo quruumahaas.
Soo jeedinta Trump ee ah in Falastiiniyiinta loo raro dalalka kale ee Carabta ayaa dhalisay muran weyn, iyadoo dad badan ay u arkeen in uu yahay isku day lagu doonayo in lagu tirtiro joogitaanka Falastiiniyiinta dalkooda.