spot_imgspot_imgspot_img

Kenya oo war ka soo saartay weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen xero ku taalla magaalada Gaarisa.

Isniin 24, March 2025 {HMC} Ciidamada ammaanka Kenya ayaa war ka soo saaray weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen xero ku taalla deegaanka Faafi ee magaalada Gaarisa oo ay ku dhinteen lix askari oo ka tirsan ciidamada keydka ee Booliska.

Booliska Kenya ayaa sheegay in ay hayaan meydadka labo ka mid ah raggii weerarka soo qaaday, islamarkaana ay ku raadjoogaan kooxda weerarka ku qaaday Magaalada Gaarisa.

Wareyska The Star ayaa sheegay in maleeshiyaadka Al-shabaab ay la baxsadeen dhaawaca xubno badan oo ka tirsan kooxda, waxaana la sheegay in maleeshiyaadka ay dad ka afduubteen goobta la weeraray, islamarkaana ay la soo aadeen dhanka Soomaaliya.

Waxaa la tuhunsan yahay in kooxihii weerarka qaaday ay xerada u dhaceen oo ay la baxsadeen hub aan tiradooda la sheegin.

Waxaa jirta cabsi laga qabo weeraro kale, kadib markii la arkay dagaalamayaal abaabulan oo u sii socda dhanka Kenya.

Afhayeenka Adeegga Booliska Qaranka Michael Muchiri ayaa sheegay in ay xoojinayaan dadaallada wax looga qabanayo khatarta joogtada ah.

“Ciidan badan ayaa la geeyay si ay uga hortagaan cadowga,” ayuu yiri.

Ciidamada ammaanka Kenya heegan Buuxa la geliyay, si ay ugu hortagaan weerar ay Al-shabaab ka geystaan Magaalooyinka dalka Kenya.

WARARKA