spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Dowladda Soomaaliya oo dalka dib ugu soo celisay dhallinyar ku xernaa dalka Liibiya

Isniin 24, March 2025 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo celisay dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku dhibaateysan, kuwaas oo gaaraya 145, muwaadin oo tacaddiyo kala duwan kala soo kulmay dalka Liibiya.

Dhallinyaradaas ayaa ku dhibaateysanaa dalalka caalamka, iyaga oo ku xernaa xabsiyo ku yaalla waddamo ku kala yaalla adduunka.

Sidoo kale, dhallinyaradaan ayaa 37, ka mid ah laga dejiyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa halka 108-da kalana lagu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadahii u dambeeyay wadday dadaallo xooggan, kuwaas oo dalka dib loogu soo celinaayo dhallinyarada ku dhibaateysan xabsiyada ku yaalla aduunka.

WARARKA