Axad 23, March 2025 {HMC} Maamulka Gobolka Banaadir ayaa 20 neef oo Geel ah & Raashin ku wareejiyay Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda Gobolka Shabeelaha Dhexe ka howlgalaya si loo kordhiyo dagaallada ka dhanka ah AS.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir oo wakiishay Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Suleymaan Fargax ayaa deeqdaan loo gacan geliyay saraakiisha ciidanka Xoogga.
Fargax oo ku sugan furimaha dagaalka ee Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho u sheegay in kaalmada garab istaagga ay isdaba-joog tahay kuwo kalena ay soo socdaan sida uu hadalka u dhigay.
Magaalada Muqdisho waxaa ka socda abaabul xooggan oo lagu garab istaagayo Ciidamada Federaalka iyo kuwa Deegaanka ee Macawiisleyda, waxaa door firfircoon ku leh Haweenka oo dhowaan soo bandhigay cunno qalalan oo ay u direen ciidamadaas iskaashanay.