Axad 23, March 2025 {HMC} Gudoomiyaha cusub ee Midowga Africa Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa ku soo wajahan magaaladda Muqdisho, iyadoona qaban qaabada soo dhaweynta laga dareemayo magaalada Muqdisho.
Socdaalka Maxamuud Cali Yuusuf ayaa ka dhigan in uu Soomaaliya u xushay wadankii 1-aad ee uu booqanayo tan iyo markii loo doortay gudoonka Midowga Africa.
Guddoomiyaha Midowga Afrika oo taageero ka helay Soomaaliya xiligii codaynta ayaa la kulmi doona Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isagoo kala hadli doono dhinacyada ay iska kaashan karaan Soomaaliya iyo Midowga Africa.
Macluumaadka ayaa sheegaya in Soomaaliya ay sidoo kale Midowga Africa waydiisan doonta mashaariicda Hormarineed ee uu bixiyo bankiga hormarinta Africa iyo kaalinta midowga Africa ee amniga Soomaaliya.
Safarkiisa Magaalada Muqdisho Gudoomiyaha cusub ee Midowga Africa Maxamuud Cali Yuusuf ayaa waxaa ku wehlin doona masuuliyiin iyo saraakiil sare oo ka tirsan Midowga Afrika