spot_imgspot_imgspot_img

Dhacdo Xanuun Badan oo Maanta ka Dhacday Deegaan Hoos Tago Degmada Jalaqsi

Axad 23, March 2025 {HMC} Faah Faahin dheerad ah ayaa laga helayaa Dhacdo xanuun Badan oo maanta ka Dhacday Deegaanka Tardo oo hoos-Tago Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, Waxaana halkaasi ka dhacay in ay si wadajir ah sun ugu Cabeeyn Wiil iyo Gaber oo ka dhaxeeyay Xariir Jaceyl,

Wiilka iyo Gaberta Sunta Cabay ayaa Lagu kala Magacaaba Saabiriin Maxamed Cabdi iyo Maxamed Muuse Xuseen, ilaa Hada lama Yaqaano Sababta ka Dambeeysay in aay Sun Cabaan dhalinyaradan oo naftooda Halis Galiyaan,.

Dhalinyaradan Ayaa waxaa loo soo Qaaday Isbitaal ku yaalla degmada Buulo Burde , si ay u helaan Baxnaano Caafimaad.

Maamulka isbitaalka ayaa sheegay in dhalinyaradan ay u Sameeyen gurmad Caafimaad oo deg deg ah si looga dhaqo Sunta ay Cabeeyn.

Bulshada ku nool deegaanka tardo ayaa si weyn arintan Manta u hadal haayo. Xariirada u Dhaxeeyo Dhalinyarada Hasaawayo marka uu Fashilmo ama khilaaf ku yimaado waxa Dhacdo Mararka Qaar in aay timaado Cabida Sun iyo is Gubitaan aay isku Adeegsanayaan Wiilka Ama Gabadha.

Dhowr Dhacdo oo Midaan la mid ah Ayaa Horay uga dhacday gobolada Dalka Soomaaliya, todobaadkii lasoo Dhaafay ayeey eheeyd markii wiil gabar uu xiriir la lahaa Darteed isku Gubay Markii la sheegay in aay Nin kale ka raacday waxaana ay ka dhacday Magaalada Berbera ee Soomaaliland.

WARARKA