spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Guddoomiyaha Midowga Afrika oo Muqdisho Gaaray

Axad 23, March 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhoweeyay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Midowga Afrika, mudane Maxamuud Cali Yuusuf.

Guddoomiyaha Midowga Afrika mudane Maxamuud Cali Yuusuf oo la doortay bilowgii February 2025 ayaa socdaalkiisa ugu horeeyay ku yimid Muqdisho waxaana uu kulamo muhiim ah la qaadan doonaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Xamsa Cabdi Barre kuwaas oo ka wada hadli doona arrimo muhiim u ah Soomaaliya iyo Ururka Midowga Afrika.

WARARKA