Axad 23, March 2025 {HMC} Ciidanka Booliska Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyay iska hor imaad maanta ka dhacay magaalada Garoowe, kaas oo dhexmaray laba ciidan sababayna dhimashada labo askari iyo dhaawaca 5 kale oo labada dhinac ah.
War-saxaafadeed kasoo baxay taliska ciidanka Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in hawlgal qorsheysan lagu qabtay gaari bas ah oo Booliisku ku sheegay in horay looga dhacay Xafiiska Hanti-dhawrka Puntland.