spot_imgspot_imgspot_img

Itoobiya Oo War Ka Soo Saartay Weeraro Ay jabhada Fano Ku Qaadeen Saldhigyada Militariga

Sabti 22, March 2025 {HMC} Ciidamada Itoobiya ayaa ku eedeeyay Jeneraalka ugu sarreeya Tigreega inuu la shaqeeyo kooxaha hubaysan ee ku sugan gobolka ay dariska yihiin ee Axmaarada ka dib markii ay kooxuhu bilaabeen weeraro abaabulan oo ka dhan ah militariga.

War qoraal ah oo ay soo saareen ciidamada qalabka sida ayaa lagu sheegay in Sarreeye Guuto Migbe Xayle oo kamid ah taliyayaasha ugu caansan ciidamada Tigreega uu gacan ka gaystay abaabulka gulufyada maleeshiyaadka Fano ee gobolka Axmaarada.

Waa markii ugu horeysay ee ciidamada amaanku ay magacaabaan masuul sare oo ka tirsan qowmiyadda Tigreega taas oo la xiriirta ku lug lahaanshaha colaadda Axmaarada.

Arrintan ayaa waxay muujin kartaa inay sii xoogaysanayso xiisada ka taagan Tigrayga.

Xayeysiin

Janaraalka oo wareysi siiyay mid ka mid ah warbaahinta qurba-joogta ah, ayaa ku gacan seyray eedeymaha loo soo jeediyay isaga iyo ciidanka uu ka amar qaataba in aysan wax xiriir ah la lahayn Eritrea.

Dhawaan Itoobiya waxay ku eedaysay koox ka tirsan xisbiga siyaasadeed ee Tigray inay gacan-saar la leeyihiin Eritrea. Si kastaba ha ahaatee, horraantii todobaadkan Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa meesha ka saaray dagaal uu la galo dowladdiisa oo mar xulafo la ahayd Eritrea.

Maleeshiyada Fano ayaa sheegtay in guulo la taaban karo ay ka gaareen ciidanka duulaanka ay ku qaadeen. Iyadoo ciidamada difaaca ay sheegeen, iska horimaadyo ka dhacay ugu yaraan lix aag gobolka Amxaarada, lagu dilay in ka badan 300 oo maleeshiyaad ah .

Ma jiro warar madaxbanaan oo xaqiijinaya sheegashada xukuumadda Itoobiya.

WARARKA