spot_imgspot_imgspot_img

Faah-faahinno laga helaayo nin ka tirsanaa Al-Shabaab oo toogasho lagu dilay.

Sabti 22, March 2025 {HMC} Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo xalay ka dhacday gudaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo, kadib markii toogasho lagu dilay nin ka tirsanaa Al-Shabaab oo soo galay gudaha degmadaasi.

Ninka oo ku hubeysnaa bistoolad ayaa doonayay inuu dil ka gaysto goob ay ku afurayeen dad shacab ah, waxaana ka war helay ciidamada amniga oo ka horetgay.

Taliyaha amniga degmada Baardheere, Axmed Cabdullahi oo wareysi siiyay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ninka oo la doonayay in la qabto uu lasoo baxay bistoolad, kadibna uu rasaas furay, taas oo ay ku dhaawacmeen laba qof oo shacab ah, kadibna isagii ay toogasho ku dileen ciidamada ammanka.

Axmed Cabdullahi ayaa tilmaamay in markii hore qorshaha uu ahaa in la nolosha lagu qabto eedeysanaha, balse uu dagaalamay, taasina ay keentay in goobta lagu toogto.

“Dhagar qabahaan oo aan xogtiiisa sii heynay oo doonayay inuu dil geysto goob dad shacab ah ku afurayeen ayaa markii gacanta lagu dhigi rabay bastoolad uu watay lasoo baxay isagoo isku dayay inuu dagaalamo, halkaas ayayna ciidanku ku toogteen raasaastii uu ridayna waxaa ku dhaawacmay laba ruux oo dadkii afuraayay ka mid ahaa” ayuu yiri taliyaha amniga degmada Baardheere Axmed Cabdullaahi.

Dhanka kale, waxa uu ka hadlay ammaanka degmada oo uu tilmaamay inuu haatan wanaagsan yahay, isla-markaana ay howlgallo ka sameeyaan ciidamada dowladda, isaga oo sidoo kale bulshada deegaanka uga mahadceliyay wada-shaqeynta ay la leeyihiin laamaha amniga.

“Magaalada Baardheere 100% aad ayay u fiican tahay ciidamada joogana amniga shaqo wanaagsan ayay ka hayaan, way isla shaqeeyana bulshada deegaanka” ayuu raaciyay.

Waxaa kale oo uu farriin u diray dhalinyarada weli ka barbar dagaalameysa Al-Shabaab, isaga oo ugu baaqay inay ka faa’iideystaan cafiska, ayna isku soo dhiibaan dowladda.

“Waxana baaq u direynaa ilmaha yaryar ee la qaldaayo ee qaraxyada lagu soo xiraayo inay ka faa’iideystaan fursadda cafiska ee madaxweynaha, ayna isa soo dhiibaan” ayuu mar kale yiri Taliyaha amniga degmada Baardheere.

Gedo ayaa kamid ah meelaha ay weli joogaan xubnaha Al-Shabaab, waxaya weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaadaan degmooyinka iyo xarumaha ciidamada ee ku yaalla gobolkaasi, taas oo mararka qaar keenta in dagaallo ay dhexmaraan labada dhinac.

Si kastaba, Ma’ahan markii ugu horreysay oo ay laamaha ammaanka Baardheere fashiliyaan weeraro uga yimaada Al-Shabaab, waxaana siyaabo kala duwan degmadaasi loogu dilay rag ka tirsanaa Al-Shabaab oo weeraro iyo dilal ka gaysan rabay halkaasi.

WARARKA