Sabti 22, March 2025 {HMC} War-saxaafadeed kasoo baxay ciidanka Booliska Puntland ,ayaa lagu sheegay in maanta hawlgal qorsheysan ku qabteen gaari bas ah oo horay looga dhacay xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Puntland, kaas oo ay si sharci-darro ah u dhaceen maleeshiyaad ay sheegeen in ay isku ekeeysiiyeen ciidanka PSF.
Booliiska ayaa sheegay in gaarigan, oo la doonayey in si dhuumaaleysi ah loogu iibiyo Koonfurta Gaalkacyo, lagu qabtay Koontaroolka Bari ee Garoowe, iyada oo ay ilaalinayey gaari kale oo dabley saarneyd. Markii ay ciidanka amniga isku dayeen in ay gaadiidka joojiyaan, dableydii wadatay ayaa si ula kac ah rasaas ugu furtay ciidanka, taasoo sababtay dhimasho iyo dhaawac, sida booliiska sheegeen.
Warka booliiska ayaa lagu sheegay in ciidanka Booliska Puntland, oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah ee sugidda amniga iyo ilaalinta sharciga, in ay si degdeg ah u jawaabeen, iyagoo gacanta ku dhigay labada gaari iyo shaqsiyaadkii ku lugta lahaa falkan gurracan.
”Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga. Booliska Puntland waxay bulshada u caddeynayaan in aysan jiri doonin cid ka sarreysa sharciga, cid kasta oo isku dayda in ay carqaladeyso amniga shacabka ama ay ku takri-fasho awoodda dowladda, si kastaba ha isku qarisatee, lala xisaabtami doono” ayaa lagu yiri warka booliiska Puntland.
Booliiska Puntland, ayaa sheegay marka baaritaanku dhammaado, Boolisku ay dadweynaha u soo bandhigi doonaan faahfaahinta dhabta ah ee kiiskan, si ay caddaaladdu u noqoto mid muuqata. Dowladda Puntland waxay mar kale ku adkeynaysaa go’aankeeda ah in aan la aqbali doonin kooxo hubeysan oo isku daya in ay dhibaato ku hayaan nidaamka iyo kala dambeynta.