Jimco 21, March 2025 {HMC} – Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa markii ugu horreysay ka hadlay baaritaanka lagu hayo duqa magaalada Istanbul Ekrem İmamoğlu oo xabsi ku jira.
Edogan waxa uu ku dooday in xisbiga Ribablikaanka ee Dadka (CHP) aanu ka jawaabi karin eedaymaha garsoorka, waxana uu yiri: “Ma dhihi karaan wax musuq maasuq ah kama jiraan dawladda hoose, waxa ay isku dayayaan in ay dadka khiyaameeyaan iyaga oo arrinta ku soo koobay halkudhegyo.
Edogan waxa uu hadalkaan ka jeediyay afur ay lahaayeen Xildhibaanadda oo ka dhacay Xarunta Kongareeska ee AKP.
Edogan waxa uu sheegay in mucaaradka ay ku dadaalayaan sidii ay u muujin lahaayeen in khilaafaadkooda gudaha ama dhibaatooyinka ay ku hayaan sharciga uu yahay arrinta ugu muhiimsan dalka, taasina ay tahay munaafaqnimo meeshii ugu sareysay.
Erdogan ayaa intaas sii raaciyay, “Waxa kale oo ay ka war hayaan in inta badan xogta iyo dukumentiyadaa la xiriira kiiska uu u xiran yahay Ekrama in ay hay’adaha garsoorka ku wareejiyeen xubno ka tirsan xisbiga mucaaradka ee uu isagu ka tirsan yahay, anigu shakhsi ahaan, xisbi ahaan iyo isbahaysi ahaanba toona wakhti uma hayno sheekada mucaaridk.
Edogan waxa uu intaasi ku daray, “Sidoo kale waxaa muuqata in inta badan maamulayaasha xisbiga mucaaradka in ay dadka hortooda ku ooyaan ilmada Yaxaaska balse dhanka kale ay ku faraxsan yihiin in ninki ugu cadacadaa dhexdooda ay meesha ka saaren”.
Xariga daraasiin dad ah oo uu ku jiro duqa magaalada Istanbul Ekrem İmamoğlu, oo dhacay 19-kii bishii Maarso ayaa mucaaradku si xun uga falceliyay, balse Erdogan ayaa ka hadlaya markiisii ugu horeeyay kadib muddo uu aamusnaa.
Haddaba, maxay dowladda iyo dadka ku dhow dhowba ka yiraahdeen howlgalka lagu soo qabtay duqa Istanbul?
Hogaamiyaha Xisbiga Dhaqdhaqaaqa Wadaniga ah (MHP) Devlet Bahçeli ayaa qoraal uu soo dhigay 19-kii March ku yiri, “Garsoorka Turkiga waa mid madax banaan, dhexdhexaad ah oo ujeedo leh.”
Bahçeli oo ka hadlay xariga ayaa yiri, “Waa masuuliyad wadareed in aan si deganaan iyo Samir leh u sugno go’aanada, waana in la ixtiraamo go’aan kasta oo sharcigu gaaro.”
Hogaamiyaha xisbiga MHP ayaa sidoo kale yiri, “Ma jiro qof lama taabtaan ah, ama aan lala xisaabtami karin.”
Falcelinta xubnihii hore ee xisbiga AKP
Qaar ka mid ah xubnihii hore ee AKP ayaa sidoo kale ka falceliyay xariga İmamoğlu.
Wasiirkii hore ee waxbarashada qaranka Hüseyin Çelik, oo ka mid ah aasaasayaashii xisbiga, ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada 19-kii bishii March ku sheegay in İmamoğlu xabsiga lagu hayo iyo hakinta shahaadadiisuba ay tahay mid aan la aqbali karin.
Çelik waxa uu yiri, “Ka qaadida xaqa ay dadku u leeyihiin in ay ka dhiidhiyaan waxa dhacaya waxa ay boogo aan laga soo kabsan karin ku reebeysaa dimoqraadiyadeenii hore ee nuska ahayd iyo ku dhaqanka sharciga.”
Siyaasiga ayaa hadalkiisa raaciyay “Waa inaan la iloobin in Xisbiga AK uu ku yimid talada dalka dariiqo la mid ah kuwa kale”.
“Wixii horay ugu dhacay madaxweyne Edogan iyo Xisbigiisa AK Party khalad ayay ahaayeen, waxa maanta lagu sameeyayİmamoğlu iyo CHP na waa qalad.
Xildhibaankii hore ee xisbiga AKP Hüseyin Kocabıyık ayaa isna ku daabacay boggiisa X 19-kii Maarso, “Recep Tayyip Erdoğan… ma halkaan ayaad rabtay in aad soo gaarto? Ma waxaan ayaan u dagaalamaynay? Dhab ahaantii waxaad afgambi u abaabushay nafsadaada, adiga oo ana u warhayn.”