spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweyne Trump oo saxiixay amar lagu xidhayo wasaaradda waxbarasahda Maraykanka

Jimco 21, March 2025 {HMC} – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay amar fulin ah oo lagu albaabada loogu laabayo waaxda waxbarashada, isagoo fulinaya ballan-qaadkiisii ololaha doorashada iyo qorshe ay muddo dheer ku taamayeen qaar ka mid ah muxaafidku.

Trump ayaa hay’addaasi ku eedeeyay xilkasnimo la’aan iyo in hawlahoodii gabeen. Madaxxweynaha Maraykanku waxa uu wacad ku maray in uu ku celin doono lacagta ay maamusho gobollo gaar ah.

“Waxaan u xidhi doonaa sida ugu dhaqsaha badan ee suurtogalka ah,” ayuu yidhi Trump, inkasta oo Aqalka Cad uu qiray amarka lagu xidhi karo hay’addaasi uu u baahan go’aanka Golaha Congress-ka.

Talaabadan ayaa durba caqabado dhanka sharciga ah kala kulmeysa dadka doonaya in ay hor istaag ku sameeyaan xidhitaanka hay’addaasi. Waxa kale oo ay ka soo horjeedaan dhimista guud ee hsaqaalaheeda oo lagu dhawaaqay todobaadkii hore.

Isaga oo ay hareero tuban yihiin carruur ku fadhida miisaska dugsiyada Aqalka Cad, Khamiistii ayaa Trump wuxuu yidhi “Mareykanku lacag badan ayuu ku bixiyaa waxbarashada si ka badan waddanka kasta oo caalmka ku yaalla”, isaga oo raaciyay in dhibcaha ardaydu ay ku yihiin kuwo aad u hooseeya.

Amarka fulinta ah ayay u badna tahay in uu la kulmo caqabado dhanka sharciga ah, si la mid ah ficillada dhinaca maamulka ee uu Trump ku hawllanaa muddooyinkii u dambeeyay.

Laakiin xubnaha Xisbga Jamhuuriga ayaa la og yahay in ay haystaan ​​aqlabiyadda 53-47 ee Golaha Senate-ka, waxaana meelmarinta xidhitaanka waaxdani uu u baahnaan doonaa 60 cod.

WARARKA