Jimco 21, March 2025 {HMC} – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka ee NISA ayaa sheegtay in howlgallo duqeyn ah oo ilaa lix gaaraya, oo ay ciidankeeda ka fuliyeen nawaaxiga deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose, lagu dilay 82 xubnood oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, halka 19 kalana dhaawac culus lagu gaarsiiyay duqeynta.
Howlgalladan lagu naafeeyay argagixisada oo ilaa iyo xalay soo gaaray ayaa bilowday kadib markii Shabaab soo weerareen deegaankaas, halkaas oo ciidanka qaranka ay kula galeen mid kamid ah dagaaladii ugu qaraaraa.
“Howlgalladan lagu naafeeyay argagixisada oo ilaa caawa soo gaaray ayaa yimid kaddib markii ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka ee NISA heleen xogta koox Khawaarij ah oo isku dayay inay carqaladeeyaan amniga deegaanka Sabiid iyo Caanoole,” ayey tiri hay’addu.
“Hay’adda NISA waxa ay markale dadka rayidka ah ku wargelineysaa inay ka fogaadaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan Khawaariijta ee bartilmaameedka u ah Ciidanka Qaranka.”
Duqeymahan ayaa imanaya xilli uu sii xoogeysanayo dagaalka lagu ciribtirayo kooxda, oo ka socda gobollada Shabeellooyinka, waxaana gobolka Shabeellaha Dhexe ku sugan madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u kuur-galaya furimaha dagaalka iyo saldhigyada hoggaaminta howlgallada xoreynta dalka, isagoo halkaasi ka hagaya howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa jiidda hore kulammo kula qaadanaya halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida, madaxda iyo bulshada deegaanka, si loo sii ambaqaado guulaha wax-ku-oolka ah ee laga gaaray dagaalka argagixisada.
Madaxweynaha ayaa bulshada ku dhaqan deegaannada Hirshabeelle ku bogaadiyey garab istaagga ay u muujiyeen ciidamada qaranka, isagoo xusay awoodda ay maanta u leeyihiin dhammeystirka howlgalka xoreynta deegaannada ay wali ku harsan yihiin argagixisada iyo dib-u-hagaajinta deegaannada laga xoreeyey cadowga, oo ay ka jirtay nolol adag iyo duruufo ba’an.
Diyaaradaha ay dhawaan soo iibsatay dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb qaadanaya howlgallada dhanka saadka iyo taakuleynta ciidanka.
Sidoo kale, odayaasha dhaqanka beelaha Mudullood ayaa ku biiray abaabulka dagaalka Khawaariijta, waxayna shalay ka baxeen magaalada Muqdisho, iyagoo gaaray deegaanada ay ugu horeyso degmada Cadale, oo abaabulka ugu culus uu ka socdo.
Inkastoo ciidan iyo saraakiil qaali ah ay dowladda Soomaaliya uga dhinteen dagaalkii qaraaraa ee Sabiib iyo Caanoole, hadana kooxda Al-Shabaab ayaa lagu laayey halkaas, waxayna ciidamadu si geesinimo leh uga difaaceen deegaanka.
Dalka oo dhan waxaa ka socda faltan dagaal kii ugu cuslaa, duqeymaha iyo dagaalka tooska ah waa joogto, waxaana weli gacan sareysa dowladda, markii laga reebo gobolka Shabeellaha Dhexe oo Shabaab ay soo galeen toddobaadyadii lasoo dhaafay.