Jimco 21, March 2025 {HMC} – Ciidamada Suudaan ayaa Jimcihii saaka si buuxda ula wareegay xarunta madaxtooyada ee magaalada Khartoum, TV-ga dowladda Suudaan iyo ilo-wareedyo milateri ayaa sheegay in mid ka mid ah horumarradii ugu muhiimsanaa ee laga gaaray colaadda laba sano jirsatay oo halis ku ah in uu dalka jabiyo.
Ciidamada ayaa howlgalo baaritaano ah ka waday agagaarka madaxtooyada iyagoo ku raad jooga ciidamo ka tirsan kuwa RSF-ta, sida ay wararku sheegayaan.
Rasaas goos goos ah ayaa laga maqlay qaar ka mid ah xaafadaha bartamaha magaalada caasimadda ah ee Khartoum, sida ay goobjoogayaal u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.
Colaadda ayaa horseeday wax ay QM ugu yeertay dhibaatada bini’aadantinimo ee ugu weyn adduunka, taasoo sababtay macluul meelo badan iyo cudurro dalka oo dhan ah. Labada dhinac ayaa lagu eedeeyay dambiyo dagaal, halka RSF sidoo kale lagu eedeeyay xasuuq. Labada dhinacba way diideen eedeymaha.
Kooxdan hubaysan ayaa si degdeg ah u qabsaday qasriga iyo inta badan caasimadda markii uu dagaalku qarxay bishii Abriil 2023, laakiin ciidammada qalabka sida ee Suudaan ayaa bilihii la soo dhaafay dib ugu soo laabtay oo u dhaqaaqay dhanka qasriga ku teedsan wabiga Nile.
RSF, ayaa horaantii sanadkan bilowday inay dhisto dowlad barbar socota dowlada Sudan, waxa ay gacanta ku haysay qeybo ka mid ah Khartoum iyo Omdurman oo deriska la ah, iyo sidoo kale galbeedka Sudan, halkaasoo ay ka dagaalamayaan in ay la wareegaan goobtii ugu dambeysay ee ay ciidanku ku lahaayeen Daarfuur ee Al-Fashir.
Qabsashada caasimadda ayaa soo dadajin karta in si buuxda ay ciidamadu ula wareegaan bartamaha Suudaan, waxayna sii adkayn kartaa qaybta bari iyo galbeed ee dhulka ay wadaagaan labada ciidan.
Labada dhinacba waxay wacad ku mareen inay sii wadi doonaan dagaalka inta ka harsan dalka, mana jiraan dadaalo laga sameeyay wada hadal nabadeed.