spot_imgspot_imgspot_img

Xuutiyiinta Yemen oo gantaal ku riday Israa’iil

Khmaiis , 20, March 2025 {HMC}  Kooxda Xuuthiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yemen, ayaa sheegtay inay gantaal ku rideen Israa’iil, kaasi oo laga hor tegay.

Gantaalka ballistic-ga ayaa lagu riday dhanka garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion oo u dhow magaalada Tel Aviv, sida uu sheegay afhayeenka milateriga ee kooxda.

Seeriga digniinta ayaa dhowr mar laga maqlay aagagga Israa’iil, sida ay sheegeen ciidamada difaaca Israa’iil.

Weli wax dhaawac ah lama soo werin, waxayna milatariga Israa’iil sheegeen in in gantaalka la qabtay ka hor inta uusan gudaha u galin Israel.

Dhanka kale, ururka difaaca madaniga ah ee magaalada Qasa ayaa sheegay, in duqeymo dhanka cirka ah oo Israel ay habeenimadii xalay geysatay ay ku dishay ugu yaraan 55 falastiiniyiin ah oo caruur ay kamid yihiin.

Xamaas, oo maamusha marinka, ayaa cambaareysay howlgal dhulka ah oo ay soo qaadeen ciidamada Israel, kuna tilmaamay “mid cusub oo khatar ah” oo burburinaysa xabad joojintii labada bilood jirtay, waxayna ugu baaqeen dhexdhexaadiyayaasha heshiiskaas inay soo faragashtaan.

Iyadoo Israa’iil ay maalinkii saddexaad geysaneyso weerarro, wasiirka gaashaandhigga Israa’iil, Israa’iil Katz, ayaa uga digay shacabka reer Gaza ee Falastiin in ay la kulmi doonaan waxa uu ugu yeeray “burbur ballaaran” haddii aysan , sida uu hadalka u dhigaye ay soo celin waayaan la haystayaasha oo ay meeshana ka saari wayaan kooxda Xamaas.

WARARKA