Khmaiis , 20, March 2025 {HMC} Sida aan hore u tebinay, xisbiga mucaaradka ah ee dalka Turkiga ayaa xarigga duqa magaalada Istanbul, Ekrem Imamolu, ku tilmaamay afgambi.
Imamolu ayaa loo arkaa in uu yahay siyaasiga sida weyn uga soo horjeedo madaxweyne Recep Tayip Erdogan.
Sanadkii la soo dhaafay Imamoglu ayaa markii labaad loo doortay duqa magaalada Istanbul kaddib markii xisbigiisa CHP ku guuleystay Istanbul iyo Ankara.
Baaris musuqmaasuq ayaa loo xiray maalmo un ka hor markii loo xuli rabay in uu noqdo musharax madaxweyne.
Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in looga shakisan yahay “hoggaamiye urur dambiilayaal ah”.
Ekrem Imamoglu wuxuu ku qoray baraha bulshada “lama aamusinkaro waxa dadku doonayaan”.
Muuqaal Fiidiyow ah oo la soo dhigay internet-ka ayuu ku ballanqaaday in uu taagan yahay dadka Turkiga iyo “adduunka inta u taagan dimuqraadiyada iyo cadaaladda”.
“Waxaa iga go’an in aan u dagaallamo xuquuqda aasaasiga iyo xoriyadda,” ayuu yiri Imamoglu.
Xarigiisa ayaa ku soo aaday kaddib howlgallo bilihii u dambeeyay lagu soo qabqabanayay mucaaradka dalka oo dhan.
Waxay aheyd markii ugu horreysay ilaa intii xukuka uu yimid Erdogan in xisbigiisa looga adkaado doorashooyinka dalka.
Doorashooyinkaas ayaa sidoo kale dharbaaxo ku ahaa madaxweynaha oo ku soo barbaaray Istanbul, kana noqday duq magaalo markii uu xukunka soo korayay.
Tobaneeyo boolis ah ayaa ka qeybqaatay in xoog lagu galo guriga Imamoglu ee magaalada.
Xulista musharraxa u tartamaya madaxweynaha ee xisbiga CHP oo Imamoglu u taagan yahay ayaa la filayaa in ay dhacdo Axad soo socota.
Ma ahan markii ugu horreysay Imamoglu uu wajaho arrimo sharci. Sanadkii 22-kii waxaa lagu xukumay labo sano iyo bar kaddib markii uu madax ku aflagaaddeeyay isagoo qudbad jeedinayay.