Khmaiis , 20, March 2025 {HMC} Diyaaradan Akinci waa oo ah nooca aan duuliyaha lahayn ayaa ka mid ah kuwa ugu horumarsan dhanka ciidamada, waxaana soo saarta shirkadda duulista iyo difaaca Turkiga ee Baykar.
Akinci waxaa loogu talagalay inay fuliso hawlgallo kala duwan, oo ay ku jiraan weerarro uu bartilmaameedkoodu sax yahay, ilaalin, iyo taliska iyo hawlgallada ciidamada.
Akıncı UAV waxa ay qaadi kartaa rasaas, gantaalo iyo bambooyin ay ka mid yihiin MAM-L, MAM-C, Cirit, Giidance Guidance Kit (KGK)-MK-82 iyo SOM-A. Diyaaradaan waxay hawada ku jiri kartaa24 saacadood.
Akıncı waa mid ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee isticmaala tignoolajiyada sirdoonka macmalka ah ee laga soo saaro Turkiye. Waxaa lagu tilmaamaa diyaarad leh “awood go’aan qaadasho” iyada oo ku habaysan xogta ay ka hesho dareemayaasheeda iyada oo adeegsanaysa kombuyuutar sirdoon oo ku shaqeeya garaad macmal ah.
Diyaaradda Akinci waa diyaarad adkeysi badan, waxay leedahay nidaamyo ilaalin heersare ah, iyo awooda lagu sameeyo weerarro sax ah oo meelaha fog wax ka dila.
Waxay qaadi kartaa ugu badnaan 1,500 kiiloogaraam, taas oo u oggolaanaysa in ay qaado hub kala duwan, oo ay ku jiraan gantaallada SOM cruise missiles, gantaallada lidka diyaardaha ee Gökdoğan, bambooyinka la hago ee Bozok, iyo bambooyinka MK-82.
Bayraktar Akinci ayaa ku duuli karta joog dhan 30,000 fiit, waxayna hawada ku jiri kartaa 13 saacadood iyo 24 daqiiqo sida ay sheektay wakalaada wararka Turkiga ee Anadolu.
Wajigii naqshadaynta hordhaca ah ayaa la dhammeeyey bishii June ee sanadki 2019. 22-kii Apriil 2021, Bayraktar Akıncı UCAV waxay si guul leh u samaysay tijaabooyinkii ugu horreeyay ee toogashada iyo beegsiga bartilmaameedyada saxda ah.
Sida ay sheegtay shirkadda sameysay diyaaradan Bayraktar AKINCI waxay awood u leedahayay sameeyo hawlgallada ay fuliyaan diyaaradaha dagaalka caadiga ah.
Waxyaabaha kale ee ay kaga duwan tahay droniska kale ayaa waxaa ka mid ah in ay isku si u shaqeyn karto habeen iyo maalin.
Waxay sidataa nidaamyada taageerada elektarooniga ah, nidaamyada isgaarsiinta dayax-gacmeedka laba-geesoodka ah, raadaaro , radar ka-hortagga isku dhaca iyo qalab kale.
Howlgalada ay gacanta ka geysatay
Heshiisyada dhoofinta ee lala saxeexday ayaa gaaraya 11 waddan, Bayraktar AKINCI TIHA waxay sii waddaa fulinta hawlgallada gobollada kala duwan ee adduunka.
Bayraktar AKINCI TIHA ayaa door muhiim ah ka ciyaartay baadigoobka iyo samatabbixinta ka dib shilkii diyaarad helicopter ah oo ay la socdeen madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi iyo wafdigiisa 19-kii May, 2024.
Dowladda Turkiga ayaa sidoo kale u adegsatay weerarada ka dhanka ah kooxda PKK ee Kurdiyiinta.
Meelaha kale ee ay ka howlgashay waxaa ka mid ah Libiya oo ay Turkiga u adeegsadeen ciidamada Janaraal Khalifa Haftar.
Dalal badan ayaa dalbaday diyaaradan nooca aa duuliyaha lahayn ee Akinci, waxaana ka mid ah Sacuudiga, Imaaraadka iyo Marocco.
Diyaradaha kale ee aan duuliyaha lahayn ee Turkiga soo saaray.
Shirkadda Baykar waxa kale oo ay sumcad caalami ah ku yeelatay soo saaridda Bayraktar TB2 UAVs, taas oo calaamad u noqotay iska caabinta Ukraine ee dagaalka Ruushka ku soo qaaday
Bayraktar TB2 oo culeyskeedu yahay 150 kg ayaa ka howgali karta masaafo dhan ilaa 300 km.
Diyaaradahaan waxay qaadi karaan markiiba 4 gantaal oo waaweyn.
Sida ay sheegtay shirkadda soo saartay diyaaradan Dronis-ka ah waxaa uu dhererkoodu dhan yahay 12 mitir, halka uu joogeedu yahay 2.2 mitir waxayna leeyihiin awood ilaa 300 litir oo shidaal ah.
Diyaaraddan waxaa soo saartay shirkadda Bairaktar, waxaana naqshadeeyay wiilka uu soddogga u yahay Madaxweynaha Turkiga Erdogan. Shirkadda soo saartay diyaaradahan ayaa sheegtay in ilaa 160 diyaaradood oo ah nooca TB 2 ay ka howlgalaan dalalka Turkiga, Qadar, Ukraine iyo Azerbaijan.
Shirkadaha farsameeyo hubka ee Turkiga ayaa dhigay rikoor cusub oo ah tirooyinka dhoofinta sanadka 2023 iyadoo wadarta guud ee dhoofinta ay gaareyso ilaa $5.5 bilyan.