Khmaiis , 20, March 2025 {HMC} Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in dagaal uu ka socdo deegaanka Sabiib ee degmada Afgooye ee gobolkaasi Shabeellaha Hoose.
Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab weerar ku bilowday qaraxyo ay ku qaaday saldhigyada ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaanada Sabiib iyo Caanoole ee gobolka shabeelada Hoose.
Qaraxyo kadib waxaa xigay dagaal toos ah oo weli ka socda deegaanka Sabiib, iyadoona la soo werinayo in dhinacyada ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.
Ilaa iyo hada lama xaqiijin karo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan maadaama dagaalka uu wali socdo.
Deegaanka Sabiid ee hoostaga degmadda Afgooye ee Gobalka Shabeellaha hoose, ayaa waxaa daggan Ciidamadda Xoogga dalka gaar ahaan Kumaandooska Gor-gor ee Ururka 143-aad ee Guutada 14-ka October.