Khmaiis , 20, March 2025 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay dagaal xooggan oo saaka ka dhacay deegaanka Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeellada Hoose.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, ayaa sheegtay in ciidamada Militeriga Soomaaliya ay ka hortageen.
“Ciidanka Qaranka ayaa ka hortagay weerarka AS ku soo qaadeen deegaanka Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeellada Hoose, Cadowgu waxa ay goobta uga carareen maydadka tobannaan maleeshiyaadkooda ka mid ah” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale, qoraalka ayaa waxaa lagu yiri “Waxaan duco u diraynaa geesiyaasha ku shahiiday iyo kuwa ku dhaawacmay hawlgalkaas”
Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka maanta ka dhacay deegaanka Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeellada Hoose. Sidoo kale, waxaa jirtay duqeymo laga maqlayay deegaannadaasi.