Khmaiis , 20, March 2025 {HMC} – Dowladda Turkiga ayaa ka hadashay xil-ka-qaadista Wasiirkii Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo ahaa shaqsi aad ugu dhow, taasi oo timid kadib cadaadis uu Mareykanka saaray Soomaaliya.
Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa loo wareejiyay Wasaaradda Dekedaha, iyadoo ay jiraan calaamado muujinaya in taageeradii militari ee Maraykanka uu siinayay Soomaaliya ay hoos u dhacday.
Laba ilo wareed ayaa sheegay in dadaalladii Wasiir Cabdulqaadir uu ku doonayay inuu xoojiyo iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinacyada difaaca, tamarta, iyo hawada sare ay ka careysiisay Washington, taas oo xiriir dhow la leh Imaaraadka Carabta ee Geeska Afrika.
Mas’uul ka tirsan dowladda Turkiga ayaa hoos u dhigay saameynta xilka qaadista Cabdulqaadir ay ku yeelan karto xiriirka Ankara iyo Muqdisho, isagoo ku adkeystay in xiriirkoodu ku saleysan yahay iskaashi hay’adeed, oo aysan saameyn ku yeelan doonin isbeddelka shakhsiyaadka.
“Tani waxba kama beddeleyso xiriirkayaga. Heshiisyada Muqdisho lala galay waxay ku saleysan yihiin iskaashi hay’adeed,” ayuu yiri sarkaalka Turkiga oo codsaday in aan la magacabain.
Sidoo kale, Tunc Demirtas, oo ah khabiir ka tirsan machadka SETA ee Ankara, ayaa sheegay in Turkigu sii wadi doono taageerada Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xarriiqay in muhiimaddu ay noqon doonto xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee labada dal, iyadoo laga duulayo danaha labada dhinac.
Intii uu wasiirka ahaa Cabdulqaadir, Soomaaliya iyo Turkigu waxay February 2024 kala saxiixdeen heshiis ballaaran oo dhinacyada ciidamada badda, ganacsiga iyo difaaca ah.
Turkiga ayaa Talaadadii Soomaaliya ku wareejiyay laba diyaaradood oo casri ah oo aan duuliye lahayn, nooca Bayraktar Akıncı UCAV.
Talaabadani waxay ku soo beegmaysaa xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Ankara iyo Washington, gaar ahaan la xiriira iskaashiga militari, tamarta, iyo tiknoolajiyadda hawada sare ee Turkiga uu la yeeshay Soomaaliya.
Wasiirka cusub ee Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, Cabdulkadir Maxamed Nuur, ayaa bartiisa Facebook ku shaaciyay warbixin ay ku lifaaqan tahay sawirro muujinaya diyaaradaha Bayraktar Akıncı oo lagu keenay A400M oo ah diyaarad xamuul oo casri ah.
“Walaalka dhabta ah waxaa lagu gartaa xilliga adag. Mar kale, Turkiga wuxuu si aan hore loo arag u garab istaagay shacabka Soomaaliyeed xilli ay la dagaallamayaan xoogag shisheeye,” ayuu ku qoray fariintiisa.
Bayraktar Akıncı, oo ay farsameysay shirkadda difaaca ee Baykar ee dalka Turkiga, waa diyaaradda dagaal ee aan duuliye lahayn oo heer istiraatiiji ah. Waxay ka awood badan tahay nooca TB-2, kaas oo si ballaaran loogu adeegsaday dagaallo kala duwan.
Diyaaraddan waxay hawada ku sii jiri kartaa in ka badan 24 saacadood, iyadoo leh 6,000km oo masaafo duulimaad ah iyo karti ay ku gaari karto 30,000 feet oo joog ah. Waxa ay xambaari kartaa hub culus oo waxyeello weyn gaarsiin kara bartilmaameedyada la beegsanayo.
Bayraktar Akıncı waxay sidoo kale ku qalabeysan tahay nidaam isgaarsiin saddex-geesood ah (satellite iyo xiriirka tooska ah), sirdoon macmal ah oo awood u leh farsamaynta xogaha iyo la socodka xaaladaha dagaalka. Waxay leedahay nidaam si buuxda u otomaatig ah oo loogu talagalay duulimaadka iyo degista.