Khmaiis , 20, March 2025 {HMC} Midowga Yurub ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku bogaadiyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo booqday furimaha dagaalka si uu hoggaan u noqdo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Qoraalka Midowga Yurub ayaa si cad u muujiyey taageerada ay u hayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Qaranka ee dagaalka kula jira AS.
“Midowga Yurub wuxuu mar kale xaqiijinayaa sida ay uga go’an tahay in uu taageero Dowladda Federaalka Soomaaliya dagaalka ay kula jirto AS iyo kooxaha kale ee argagixisada ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Midowga Yurub ayaa sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga caalamiga ah ee lagula dagaalamayo AS, si loo soo celiyo xasiloonida Soomaaliya iyo dalalka kale ee geeska afrika.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhowaan gaaray jiidaha hore ee dagaalka, isagoo kulamo la qaatay saraakiisha ciidamada iyo hoggaanka dhaqanka si loo dardargeliyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii ay u xaqiijin lahayd amniga iyo xasilloonida dalka, iyadoo taageero ka helaysa beesha caalamka, gaar ahaan Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.