spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweeyne Xasan oo Mar kale ku laabtay Furuumaha Dagaalka

Khmaiis , 20, March 2025 {HMC}  Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale dib ugu laabtay furimaha dagaalka.

Madaxdweynaha ayaa safar uu Muqdisho kaga ambabaxay ku gaaray degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Qorshaha ayaa ah in halkaas uu madaxweynuhu kala socdo dagaalka ka dhanka ah AS ee kasocda deegaanada maamulka Hirshabeelle gaar ahaan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Masuuliyiin kala duwan ayaa kusoo dhaweeyey degmada Cadale madaxweyne Xasan,Waxaana ka mid ah masuuliyiinta soo dhaweeyey Madaxweynaha maamul-goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe,Saraakiil ka tirsan xoogga dalka iyo masuuliyiin horay ugu sugnaa degmada Cadale.

Degmada Cadale ayaa waxaa kasocda kulamo gaar-gaar ah oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu la leeyahay masuuliyiinta kala duwan ee uu ugu tagay degmada Cadale.

WARARKA