Khmaiis , 20, March 2025 {HMC} Madaxweynaha Imaaraadka Carbta, Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan, ayaa taleefoonka kula xiriiray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ka xog wareystay xaaladiisa caafimaad kadib weerarkii maalin ka hor kolonyada madaxweynaha lagula beegsaday meel madaxtooyada u dhow.
Intii uu socday wadahadalka taleefanka, ayuu madaxweynaha Imaaraadka tacsi u diray ehelada dadkii ku waxyeeloobay weerarkaas, isagoo caafimaad degdeg u rajeeyay inta ku dhaawacantay.
Sheekh Zayed ayaa xaqiijiyay in Imaaraadka Carabta ay garab taagan yihiin Soomaaliya, isla markaana ay si adag u diiddan yihiin dhammaan noocyada qalalaasaha iyo argagixisanimada ee looga dan leeyahay in lagu khalkhal geliyo xasiloonida dalka iyo badqabka dadka.
Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa dhankiisa ugu mahad celiyay dhiggiisa Imaaraadka, taageerada guud iyo walaacooda ku aadan Soomaaliya iyo shacabkeeda.