spot_imgspot_imgspot_img

Yaa sanadkan qaaday koobka xayawaanka ugu foosha xun adduunka?

Arbaco, 19, March 2025 {HMC}  Kalluunkan blobfish oo mar loo aqoonsaday xayawaanka ugu foosha xun adduunka, sababo la xiriira muuqiisa jilicsan oo finanka leh, ayaa mar kale koobka qaaday: toddobaadkan dhexdiisa ayaa loo caleema-saaray Kalluunka Sanadka kadib munaasabad ay qabteen koox arrimaha deegaanka ka shaqeysa oo dalka New Zealand ku sugan.

Tartankan sanadlaha ah, oo ay qabato kooxda Mountain to Sea Conservation Trust, ayaa looga gol-leeyahay in wacyi-gelin loogu sameeyo biyaha New Zealand iyo nolosha noolaha badda.

Sanakan, kalluunka blobfish ayaa helay codad ku dhow 1,300 oo ka mid ah 5,500 codad la dhiibtay.

Kalluunkan korkiisu dhegdhegga yahay ayaa ku nool gunta badda dhererkiisuna waa 12in (30cm). Waxaa inta badan laga helaa xeebta Australia.

Blobfish waxa alagu yaqaannaa muuqaalkiisa aan qaabka lahayn, wuxuuna u ekyahay kalluun caadi ah marka uu biyaha ku jiro.

Hase yeeshee, marka la qabto oo biyaha korkooda la keeno jirkiisa wuu is beddelaa wuxuuna noqdaa wax nooc kale ah oo kala daadanaya, taas oo ah sababta loogu aqoonsaday noolaha ugu foosha xun adduunka.

WARARKA