Arbaco, 19, March 2025 {HMC} Maamulka Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyay geerida Cabdiraxmaan Shirwac Saciid Laahoor, oo kamid ahaa xubnihii kooxda Daacish ee isisoo dhiibay, kaasoo shalay ku geeriyooday xabsi ku yaalla magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.
Guddoomiyaha Gobolka Bari, Cabdirisaaq Cali Ismaaciil Shaahdoon, oo qabtay shir jaraa’id, ayaa isagoo xiganaya baaritaan caafimaad oo kasoo baxay isbitaal kuyaala Boosaaso sheegay, in geerida Laahoor ay sabab u ahayd beerkiisa, wadnihiisa, sambabkiisa, kelyihiisa oo howlgab noqday iyo dhiig-kar ku kacay oo la xakamayn waayay.
Guddoomiyaha ayaa beeniyay wararka sheegaya in xabsiga lagu dilay Cabdiraxmaan Laahoor, isagoo xusay inuu ahaa nin horey loogu xukumay dil toogasho, loona haystay dilal ka badan boqol qof oo lagu khaarijiyay magaalada Boosaaso.
“Laahoor mujrim buu ahaa. Iskuma soo dhiibin si uu naftiisa u difaaco ama caddaaladda horyimaado. Wuxuu waayay meel uu ku gambado. Dadka uu laayay ayaa u baahan caddaalad,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Bari.
Dhanka kale, qoyska Cabdiraxmaan Laahoor ayaa ku eedeeyay maamulka Puntland in Aabahood si xun loo dilay, isla markaana uusan helin caddaalad. Waxay dalbadeen in aan laga aasin maydkiisa, laguna wareejiyo ehelkiisa.