spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo Ka Hadlay Qaraxii Shalay Muqdisho lagula Eegtay kolanyada Madaxweyne Xasan

Arbaco, 19, March 2025 {HMC} – Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa cambaareeyay qaraxii shalay lala beegsaday kolonyada Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in si wadajir ah loogu istaago ciribtirka kooxaha argagixisada, lana garab istaago ciidamadeenna geesiyaasha ah ee dagaalka ka wada furimaha hore.

“Falkan argagixisada ah, oo halis ku ah dowladnimada iyo jiritaanka ummadda, wuxuu ka tarjumayaa wejiga dhabta ah ee kooxaha arxanlaaweyaasha ah ee sida bahalnimada ah u caadaystay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed iyo burburinta hantidooda,” ayuu yiri Farmaajo.

Hoos ka akhri qoraalka Farmaajo:

“Waxaan si adag u cambaareynayaa qaraxii argagixisada ee afaafka hore ee laga galo Madaxtooyada, laguna beegsaday kolonyada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo waxyeello u geystay nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.

Falkan argagixisada ah, oo halis ku ah dowladnimada iyo jiritaanka ummadda, wuxuu ka tarjumayaa wejiga dhabta ah ee kooxaha arxanlaaweyaasha ah ee sida bahalnimada ah u caadaystay daadinta dhiigga sharafta leh ee shacabka Soomaaliyeed iyo burburinta hantidooda.

Muwaadiniinta kale ee dhaawacyadu soo gaareen iyo kuwa hantidoodu burburtay, waxaan Alle uga baryayaa bogsiimo degdeg ah iyo beddel khayr qaba.

Guud ahaan ummadda Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in si wadajir ah loogu istaago ciribtirka kooxaha argagixisada, lana garab istaago ciidamadeenna geesiyaasha ah ee dagaalka ka wada furimaha hore ee lagula dirirayo argagixisada.”

WARARKA