Arbaco, 19, March 2025 {HMC} Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa si xooggan u cambaareysay weerarkii argagixiso ee lagu doonayay in lagu khaarijiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
Mudane Sheekh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, Wasiiru-Dowlaha arrimaha dibedda Imaaraadka, ayaa sheegay in dalkiisu si adag u cambaareynayo falalka argagixisanimo iyo dambiyada noocan ah, isagoo carrabka ku adkeeyay in Imaaraadku uu mar walba kasoo horjeedo dhammaan noocyada rabshadaha iyo argagixisada ee ujeeddadoodu tahay in lagu wiiqo amniga iyo xasilloonida, taasoo ka hor-imanaysa shuruucda caalamiga ah.
Mudane Sheekh Shakhboot ayaa sidoo kale dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ehellada dadkii ku waxyeelloobay weerarkan argagixiso, u diray tacsi tiiraanyo leh iyo garab istaag buuxa, isagoo caafimaad degdeg ah u rajeeyay dhammaan dadkii ku dhaawacmay.
Sidoo kale, dowladda Qatar ayaa si adag u cambaaraysay qaraxii Talaadada lala beegsaday kolonyadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee magaalada Muqdisho, kaas oo sababay dhimasho.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar ayaa lagu xaqiijiyey mowqifka adag ee dalkaasi ka qabo diidmada rabshadaha iyo argagixisada nooc kasta ha ahaato sababta iyo ujeeddadu. Sidoo kale, bayaanka ayaa tacsi loogu diray qoysaska dadkii ku dhintay weerarkaasi, iyo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Dhacdadan ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho Talaadadii, abaare 10:32 AM, gaar ahaan degmada Xamarjajab, meel u dhaxaysa isgoyska Ceelgaabta iyo dekedda Muqdisho.
Qaraxa ayaa lala beegsaday kolonyada Madaxweynaha oo u socday furimaha dagaalka ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarkaasi la fashiliyey isla markaana Madaxweyne Xasan Sheekh uu nabad ku gaaray goobtii uu ku sii jeeday.
War ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in qaraxa uu haleelay mid ka mid ah afarta gaari ee khaaska ah ee Madaxweynaha oo nooca aanay xabadu karin ee loo yaqaan “Buruufta”. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, iyagoo sheegay in qof is qarxiyey.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay inay socdaan baaritaanno dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha rasmiga ah ee qaraxa, waxaana ballan-qaaday inay faahfaahin dheeraad ah soo saari doonaan. Warbaahinta madaxa bannaan ee isku dayday inay tabiso xogta ayaa loo diiday goobta, iyadoo qaar ka mid ah wariyayaashana la xiray.
Qaraxa ayaa keenay dhimashada dad badan oo shacab ah, iyadoo guri dabaq ah uu ku dumay dad ku sugnaa gudaha. Dhanka kale, waxaa jira askar ka tirsan ciidanka Madaxweynaha oo dhaawacyo soo gaareen.
Dowladda Federaalka ayaa ku tilmaantay weerarka mid muujinaya sida ay kooxdu ugu jirto xaalad quus ah oo sii kordheysa, iyadoo ciidanka xoogga dalka iyo dadka deegaanka ay guulo muhiim ah ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo socdaalkiisa sii wata ayaa booqday magaalooyinka Aadan-yabaal iyo Moqokori, iyadoo qorshaha socdaalkiisu yahay inuu dhawaan u guuro magaalada Cadale, halkaasi oo uu dagaalka ka hoggaamin doono.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab aanu noqon doonin mid la jilcinayo, iyadoo kaashaneysa midnimada shacabka iyo taageerada saaxiibada caalamiga ah si loo xaqiijiyo nabad iyo xasilooni waarta.