spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Faah Faahin Qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho.

Arbaco, 19, March  2025 {HMC} Ugu yaraan siddeed qof oo u badan shacab ayaa ku dhintay qarax maanta kolonyo uu la socday madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud lagula eegtay nawaaxiga isgoyska Ceel-gaabta ee Degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa saameeyay mid kamid ah gawaarida madaxweynaha oo kusii jeeday garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyadoo madaxweynuhu u socday safar uu ku tagayay furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dadka shacabka ah ee waxyeelladu soo gaartay ayaa intooda badan ku sugnaa dhisme ka agdhawaa laamiga, kaasoo burburay markii uu qaraxu dhacay, sida ay muujinayaan sawirro la soo geliyay baraha bulshada.

Qaraxa kadib, Lataliyaha Amniga Qaranka, Xuseen Macallim, ayaa xaqiijiyay in madaxweynuhu badqabo, islamarkaana uu safarkiisii sii watay.

“Madaxwaynaha Jamhuuriyadda waa badqabaa, wuxuuna ku guda-jiraa safaro uu ugu kuurgalaayo hawlgalada barakaysan oo ay gobalada dalka ka wadaan CXD, iyagoo taageero buuxda ka helaaya shacabka deegaanadaas, Naflacaarinimo iyo been la buunbuuniyo qarankan laguma cabsi-gelin karo” ayuu yiri lataliye Xuseen Macalim.

Qaraxaan xoogaan ayaa jugtiisa inta badan laga maqlay magaalada Muqdisho, saraakiisha amaanka ma aysan faah faahin qaraxaan inkastoo ay waqti kooban ay xireen wariyaal iyago soo tebinayay goobta uu qaraxa ka dhacay.

WARARKA