spot_imgspot_imgspot_img

Xubin iska Soo Dhiibay Daacish oo ku Geeriyooday Xabsiga Boosaaso

Talaado 18,March 2025 {HMC} Cabdiraxmaan Shirwac Laahoor, oo ka mid ahaa xubnaha kooxda Daacish, ayaa xalay ku geeriyooday xabsi ku yaalla magaalada Boosaaso, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo amni.

Laahoor, oo 60 jir ahaa, ayaa 3-dii Febraayo 2025 si iskiis ah isugu soo dhiibay ciidamada amniga Puntland, kaddib markii uu ka baxay kooxda uu horey uga tirsanaa ee Daacish. Tan iyo markaas, wuxuu ku jiray xabsi, halkaas oo dhowr jeer ay hay’adaha dambi baaristu ku wareysteen.

Ilaa hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee geeridiisa, mana jiro war rasmi ah oo kasoo baxay masuuliyiinta Puntland oo ku saabsan dhacdadan.

Laahoor ayaa horey ugu xukunnaa dil toogasho ah, isagoo lagu eedeeyay inuu masuul ka ahaa dilal dad badan lagu laayay iyo qaraxyo ka dhacay magaalada Boosaaso.

Shabakado Daacish katirsan oo horey loogu fuliyay xukun dil ah, kuwa kalena ay xabsiya ku jiraan ayaa Loohaar ku sheegay inuu horjoogaha bixin jiray amarada dilalka laga gaynsan jiray magaalada Boosaaso, inkastoo uu isagu beeniyay eedeymahaas.

Geeridiisa ayaa kusoo beegmaysa xilli ay Puntland isku diyaarinayso howlgallo ka dhan ah shakhsiyaadka lala xiriirinayo kooxda Daacish, oo ay ka mid yihiin ganacsato iyo dad kale.

Dhawaan, ilo-wareedyo amni ayaa shaaciyay in la helay dukumentiyo ay ku qoran yihiin magacyada shirkado ganacsi oo sahay u diri jiray deganada kooxda Daacish ay ku sugan yihiin.

WARARKA