Talaado 18,March 2025 {HMC} Lataliyaha dhinaca Amniga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali oo ka hadlay qarax barqonimadii maanta ka dhacay Muqdisho ayaa sheegay in uu badqabo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Xuseen ayaa sheegay in ‘been abuur la buunbuuniyay uu yahay wararka laga faafiyay qaraxa ee dacaayadda looga sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheeh Maxamuud’ sida uu hadalka u dhigay Taliyihiisa dhinaca amniga.
“Madaxwaynaha Jamhuuriyadda waa badqabaa, wuxuuna ku guda-jiraa safaro uu ugu kuurgalaayo hawlgalada barakaysan oo ay gobalada dalka ka wadaan CXD, iyagoo taageero buuxda ka helaaya shacabka deegaanadaas.” Ayuu yiri Xuseen Sheekh Cali
“Naflacaarinimo iyo been la buunbuuniyo qarankan laguma cabsi-gelin karo.” Ayuu sii raaciyay qoraalkiisa kooban, Xuseen Sheekh Cali oo ah Lataliyaha amniga Qaranka oo qoraalkaan soo dhigay bartiisa X (Twitterka).