spot_imgspot_imgspot_img

Taliye Asad Diyaano oo xalay socod ku maray waddooyinka Muqdisho

Isniin 17, March 2025 {HMC} Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa xalay kormeer shaqo ku maray baraha koontorool ee laga sugo amniga caasimadda Muqdisho, saldhigyada booliska iyo goobaha dadweynuhu isugu yimaadaan oo ay ku jiraan kuwa ganacsiyada ee Muqdisho.

Kormeerka shaqo ee taliyaha ayaa salka ku hayey u kuur galidda xaaladda shaqo ee ciidanka Booliiska, waxaana bulshada uu la kulmay ee ku sugnaa baraha hubinta iyo goobahooda ganacsi ee habeenkii xiliga dambe shaqeeya ka waraystay xaaladooda amaan.

Taliye Asad Diyaano ayaa qaar kamid ah shacabka magaalada Muqdisho uu la kulmay u sheegay in ciidamada xilli kasta diyaar u yihiin sidii amnigooda u sugi lahaayeen, waxa uuna shacabka ka codsaday in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay inta lagu guda jiro bisha Ramadaan, waxa ayna saraakiisha ammaanka caasimadda qaabilsan sameeyaan roondooyin joogta ah , si ay ula xisaabtamaan askarta heeganka shaqo ku jira.

WARARKA