Isniin 17, March 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay Wasiirro Cusub isaga oo xilalkii ka qaaday xubnihii xilalkaas muddada dheer hayay sida ka muuqata xaanshida magacaabista.
Wasiirrada la magacaabay waxaa kamid ah:
Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa loo magacaabay Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo xilkaan dhowrkii sano u dambeysay uu hayay Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo isla maanta loo magacaabay Wasiirka Wasaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.
Maxamuud Axmed Aadan (Geesood) ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Maxamed Faarax Nuur, ayaa loo dhiibay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada, halka Wasiirka shanaad ee magaciistiisa maanta la sameeyay uu yahay Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha oo loo magacaabay Maxamed Cabdulqaadir Cali.
Dhinaca Wasiir ku xigeennada ayuu Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre Magacaabay:
Maxamuud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego), Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Sahuur Xaaji Culusow Xasan Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha, Sulub Axmed Firin – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha.
Maxamuud Cabdullaahi Axmed (Abukaate) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Aamina Xuseen Cali – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada, Xuseen Cali Xaaji – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada, Fartuun Cabdiqaadir Faarax – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Maxamed Aadan Maxamed (Baydhabo Janaay) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha.
Sidoo kale, waxaa magacaabistaan kusoo baxay Maxamed Xuseen Abuukar (Gaaraxo) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta, Dahabo Suusow Muunye – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Cismaan Axmed Macow – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka.