spot_imgspot_imgspot_img

Booliiska Soomaaliya oo Gacanta kusoo dhigay Askari Muqdisho ku dilay qof shacab ah.

Isniin 17, March 2025 {HMC} Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in uu xiran yahay Askari katirsan Ciidanka Ilaalada Nabadgalyada Waddooyinka oo Isgoyska Afarta Jardiin ku dilay qof Shacab ah, si degdeg ah ayaa maxkamad loosoo taagayaa sida hadalka loo dhigay.

Booliiska ayaa iska fogeeyay in ficilkaas uu ka tarjumayo balse uu yahay mid gaar u ah gacan ku dhiiglaha xukunka Maxkamadeed sugaya sida uu sheegay Afhayeneka Booliiska Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan oo Warbaahinta la hadlay.

Digniin culus ayuu Booliisku u diray Ciidamada waxaana uu faray in askari weliba looga baahan yahay ilaalinta nidaamkii iyo anshaxii lagu soo tababaray sidaas awgeed askarigii dhibaato geysta loo gudbin doonno Maxmakad.

Dhanka kale, Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay in ay ku raad-joogaan Dadkii gubay Gaari ay wateen Ciidamo uu kamid yahay kan dilka geystay ee xiran maadaama ay dab qabadsiiyeen mid kamid ah Gaadiidka Dowladda.

Afhayeenka Booliiska Soomaaliya Gaashaanle Cabdifitaax ayaa sheegay in Dadkaas lagu raad-joogo marka lasoo qabto in lasoo taagi doonno Maxkamad si loogu qaado faldambiyeedka ay galeen sida uu hadalka u dhigya.

WARARKA