Axad 16, March 2025 {HMC} War saxafaadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faah faahiyay howlgallo gaar ah oo ay Ciidamada Dowladda iyo saaxiibada caalamka ay ka fuliyeen magaalada Jilib ee xarunta Gobolka Jubbada Dhexe oo ah xarunta ugu weyn oo ay ku sugan yihiin hogaamiyaasha sar sare ee Kooxda Al-shabaab.
War saxafaadaeedka ayaa lagu sheegay in Howlgalkaan aad loo qorsheeyay oo ay sameeyeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka lagu bartimaameedsaday xarumo muhiim ah oo Al shabaab ay ku lahaayeen magaalada Jilib ee xarunta Gobolka Jubbada Dhexe, kuwaas oo kala ah, xarunta degmada, xarunta waxa ay ugu yeeraan jabhadaha, labo xarun oo ay ku samayn jireen tababarada iyo qaraxyada iyo labo guri oo ay daganaayeen Horjooge Xasan Yacquub iyo Horjooge Amiin.
Sidoo kale wasaaradda ayaa shaaca ka qaaday in Howlgalkaan lagu burburiyay dhammaan goobaha la beegsaday, waxaana jira khasaaro xoog leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo la gaarsiiyay maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha cadowga, kuwaas oo wali dowladdu ay ku wado tiro koob.
“Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa howlgallo kale oo bartimaameed ah waxay ku burburiyeen fariisimihii ugu muhiimsanaa Al shabaab ah oo ay ku lahaayeen deegaanka Ceelbacad ee ku yaala xadka gobollada Sheeballaha Dhexe iyo Galgaduud iyo deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose.” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.
Ugu dambeyn waxa ay Dowladda Soomaaliya uga digtay shacabka Soomaalyeed ee sugan goobaha Al shabaab ku dhuumaalaysanayaan inay u dhowaadaan xarumahoodi ama goobaha ay joogaan Al shabaab, maadaama Alshabaab lagu beegsanayo goob kasta.