spot_imgspot_imgspot_img

Trump oo wadamo ay ku jirto Soomaaliya ka mamnuucay Dalkiisa.

Sabti 15, March 2025 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Soomaaliya ku daray ‘liiska qabyo-qoraalka ah’ ee dalalka uu dadkooda ka mamnuucayo in ay u safraan Mareykanka.

Xayiraadda socdaal ee Trump rabo inuu ku sameeyo ilaa 43 dal oo muslimiin u badan ayaa looga golleeyey in laga yareeyo ama laga joojiyo in ay galaan gudaha Mareykanka.

Waxa xusid mudan in Liiska waddamada Maraykanka laga mamnuucay in ay toddobo dal ahayeen kal xukunkii hore ee madaxweyne Trump balse sannadkan lagu soo daray 5 waddan oo kale sida uu qoray Yew york Times.

Liiska wadamada laga mamnuucay in ay u safraan dalka Mareykanka ayaa waxaa ka mid ah

1: Soomaaliya

2: Liibiya

3: Cuba

4: Iran

5: Sudan

6: Kuuriyada Waqooyi

7: Afghanistan

8; Yemen

9: Suuriya

10: Bhutan

11: Venezuela.

Dalalkan qof kasta oo sita Passport kooda looma ogolaan doono in ay sinaba ku helaan Viisaha Maraykanka.

WARARKA