spot_imgspot_imgspot_img

Booliska Puntland Oo Digniino Amni U Diray Shacabka Deegaanadaas

Sabti 15, March 2025 {HMC} Qoraal digniin ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Booliska Puntland, ayaa loogu baaqay dhammaan dadweynaha Puntland in ay taxaddar ka muujiyaan dhaq dhaqaaqa firxadka dagaallamayaasha kooxda Daacish ee kasoo baxsanaya ciidamada Puntland.

Booliiska Puntland qoraalka ay soo saareen ayey ku sheegeen in firxadka kooxda Daacish ay suurto gal tahay in ay ku dhax dhuuntaan bulshada gabaadna ka dhigtaan, si ay uga baxsadaan gacanta ciidamada ammaanka ee ku mashquulsan soo afjarida kooxdaasi.

“Shacabka Puntland waxaan ugu baaqaynaa in ay feejignaadaan, maadaama ay suurtagal tahay in firxadka argagixisadu isku dayaan in ay bulshada ku dhex dhuuntaan. Haddii aad aragto ama maqasho dhaqdhaqaaq laga shakiyo si degdeg ah ula xiriir booliska adigoo wacaya 999 (24/7 diyaar ah)” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay booliiska Puntland.

Digniintan kasoo baxday Booliiska Puntland , ayaa kusoo aadeysa xilli ay ciidamada difaaca maamulkaasi buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ka wadaan howlgal balaaran ay ku doonayaan ciidamada in ay kusoo afjaraan kooxdaasi caaddeysatay daadinta dhiigga Islaamka.

WARARKA