spot_imgspot_imgspot_img

MW Xasan Sheekh Oo Soo Xiray Tartanka Quraanka Kariimka Ah Ee Bisha Ramadaan

Jimco 14, Mar 2025 {HMC} Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo soo xiray Tartanka Quraanka Kariimka ah ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan ayaa abaal marinno lacageed guddoonsiiyey Ardaydii kaalmaha hore ka galay Tartankaas.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bogaadiyay Ardayda, Macallimiinta waxbartay, Waalidiinta dhalay iyo cid weliba oo gacan ka geysatay in ay meeshaan soo gaaraan isla markaana kaalmaha sare kasoo galaan Tartankaan Qur’aanka Kariimka.

Wadarta guud ee abaalmarinta lacageed ee ku baxday 7da Arday ee kaalmaha 1aad ilaa 7aad galay waa $62,000 iyada oo kala qaybiyay sida ay u kala horreeyaan, tani waa dhiirragelinta Ardaydaan maadaama ay ku tartameen kalaamka Alle.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in tartama soo socda lagu bixin doonno guryo iyo kuwo kale oo kasii qaalisan kuwa haatan la bixiyay si Ardayda Soomaaliyeed loogu dhiirrageliyo ku tartamidda Qur’aanka Kariimka oo Ajir kale lagu helayo.

“Tartanka Qur’aanka ee leh abaalmarin maaddi ah leh waxaa usii dheer Ajir alle, maanta Dowladdooda abaalmarinta ay bixin karto intaas ayay joogtaa, Berri kuwo kale oo kasii waa weyn ayaa la bixinaa sida Daaro/Guryo & kuwo kale oo kasii waa weyn ayaa la bixin doonnaa” MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Halkaan ka aqriso Tartamayaasha sida ay u kala guuleysteen & sida loo abaalmariyay:

1-Cabdiraxmaan Cabdullahi Cismaan $20,000

2-Sakariye Cabdullahi Xassan Rooble $15,000

3-Cismaan Cabdullaahi Cismaan $10,000

4-Caaisha Aadan Maxamed $7,000

5-Cabdiraxmaan Cali Xuseen $5,000

6-Usaama Yuusuf Farxaan $3,000

7-Ibraahin Cabdiraxmaan Ibraahim $2,000

WARARKA