spot_imgspot_imgspot_img

Wararkii Ugu Danbeeyay Dagaal ka Dhacay Deegaan Hoostaga Degmada Ceelbuur

Khamiis 13 Maarso 2025 {HMC}  Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa ahaa mid u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan kuwa deegaanka oo weerar qorsheysnaa ku qaaday fariisimo kooxda Al-shabaab ku laheyd deegaanka Biya cadle.

Saraakiil ka tirsan ciidanka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in weerarka u jeedkiisu uu ahaa ka hortaga dhaqdhaaqyo dagaal oo ay halkaadi ka wadeen Al-shabaab.

Waxaa lasoo warinaya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba ka dhashqy dagaalka, hayeshee wali si rasmi ah looma oga inta uu dhan yahay khasaaraha dhabta ah.

Mudooyinkii dambe waxaa si weyn u soo kordhaayay weerarka ciidanka deegaanka ay ka geysanayaan qaar ka mid ah deegaanada ay ku sugan yihiin Ururka Al-shabaab.

Bishii lasoo dhaafay ayay aheyd markii ciidanka deegaanka weerar khaasaare lagu gaarsiiyay kooxda ay kasoo fuliyeen magaalada Ceelbuur oo ka mid ah talisyada ugu waa weyn ee Al-shabaab ku leeyihiin gudaha dalka.

WARARKA