Arbaco 12 ,March 2025 {HMC} – Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, iyagoo soo saaray bayaan ka dhan ah dowladda.
Xildhibaannadan oo ah kuwa mucaaradka ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqay inuu is-casilo, maadaama uu dalka ku jiro marxalad halis ah, sidaas darteedna loo baahan yahay in dowladnimada la badbaadiyo.
“Madaxweyne Xasan Sheekh isagaa Ra’iisul Wasaare, Wasiir ilaa Agaasime isu ah. Dalka wuu ku fashilmay, wuxuu horseeday musuq-maasuq iyo qaraabo-kiil. Waa inuu is-casilo,” ayey xildhibaannada mucaaradka ku yiraahdeen bayaanka ay maanta soo saareen.
Xildhibaan Cabdirisaaq, oo ka mid ah xildhibaannada mucaaradka, ayaa warbaahinta u akhriyay bayaanka, isagoo sheegay in ay qaadi doonaan tallaabooyin culus oo ka dhan ah xukuumadda Soomaaliya.
Mudane Cabdirisaaq ayaa sidoo kale sheegay in xukuumaddu ay laashay dastuurka, isla markaana ay ku fashilantay waajibaadkii loo igmaday.
“Madaxweyne is-casil oo qiro fashilkaaga. Waxaad noqon doontaa hoggaamiyihii ugu horreeyay ee qirta fashilkiisa,” ayaa lagu yiri bayaanka xildhibaannada mucaaradka.
Sidoo kale, xildhibaannadu waxay Guddoonka Golaha Shacabka ugu baaqeen inuu joojiyo naas-nuujin ay sheegeen inuu u sameynayo dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.
Bayaanka xildhibaannada mucaaradka ayaa ugu dambeyntii lagu bogaadiyay howlgallada ay wadaan ciidamada qaranka iyo dadka deegaanka ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
“Argagixisadu waxay isu soo bahaysatay dalkeenna, iyagoo doonaya inay isku fidiyaan deegaanno waaweyn. Waa khatar kusoo fool leh dalkeenna, oo taabanaysa masiirkeenna,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Waxa kale oo lagu yiri: “Waxaa lagama maarmaan ah in aan si wadajir ah uga hortagno argagixisada, innagoo Soomaali ah, meel kasta oo aan joogno.”
Xildhibaannada mucaaradka ayaa muddooyinkii dambe hadallo adag warbaahinta u marinayay dowladda Xasan Sheekh, iyagoo si cad u muujiyay sida ay uga soo horjeedaan habka hoggaamineed ee madaxweynaha haatan talada haya.