Arbaco 12, March 2025 {HMC} Taliska ciidanka nabad sugida iyo Sirdoonka qaranka ee NISA ayaa sheegay inay duqeyn ku dileen Horjoogayaashii Qaraxyada u qaabilsanaa Al shabaab
Howlgalkan ayaa ka dhacay degaanka Jambaluul ee goboilka Sh/hoose waxaana qoraal ka soo baxay NISA lagu sheegay magacyada sadex horjooge iyo ilaaladooda oo duqeyntaas lagu qaarajiyey.
Dhinaca Kale Ugu yaraan 50 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal duqeyn ah oo laga fuliyay deegaanka Damasha Shabeelow ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sida uu sheegay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS).
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay taliska, howlgalka oo si qorsheysan u dhacay, ayaa lagu beegsaday xubno sare oo ka tirsan kooxda, waxaana lagu dilay Mansoor Timo-Weyne, oo ahaa horjoogihii kooxda u qaabilsanaa isku-diyaarinta iyo adeegsiga gawaarida dagaalka.
“Howlgalkan wuxuu bartilmaameedkiisu ahaa xubno muhiim u ah kooxdan, gaar ahaan Mansoor Timo-Weyne, oo dhowaan ka yimid Buulo Fulay isaga oo waday gaadiid la dayactiray, kuwaas oo kooxda ay u adeegsan jirtay weerarrada argagixisada,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay CXDS.
Sida lagu sheegay bayaanka, intii uu socday howlgalka waxaa la burburiyay saddex gaari oo dagaal, kuwaas oo midkood loo adeegsaday weerarrada ay kooxda ka fuliso gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.
“Duqeyntan waxay qeyb ka tahay dadaallada ballaaran ee lagu wiiqayo awoodda dagaal ee Al-Shabaab, si looga hortago weerarradooda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Weerarkan ayaa imanaya maalin kadib markii Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ay sheegtay in howlgal qorsheysan oo ka dhacay aagga deegaanka Basro ee gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.
“Howlgalkan oo labo jeer oo kala duwan lagu beegsaday Khawaarijta, waxa uu guuleystay in lagu soo afjaro nolosha 16 xubnood oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad,” ayaa lagu yiri bayaanka NISA.
Sida ay hay’addu sheegtay, xubnahaas ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku go’doonsanaa dhul hawd ah oo ku dhow deegaanka Basro.
Howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa toddobaadyadii tegay ka sii xoogeysanayey gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo kooxda Al-Shabaab ay ku soo qaadeen duullaan xooggan.
Dagaallo ciidamada dowladda, oo kaashanaya kuwa deegaanka, iyo Al-Shabaab ku dhex-maray Shabeellaha Dhexe ayaa dhaliyey khasaare naf oo xooggan.