spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Garoonka uga Hortagay Askartii ku soo dhawacantay Dagaalada.

Muqdisho, 12 March 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho uga hor tagey qaar ka mid ah geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku soo dhaawacmey dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta caadeysatey daadinta dhiigga shacabka.

Madaxweynaha ayaa Allaah uga baryey inuu caafimaad taam ah siiyo geesiyaasha dhaawaca ah ee habeen iyo maalin u taagan difaaca diinta, dadka iyo dalkeenna hooyo.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa wada dagaal cirka iyo dhulka ah oo lagu ciribtirayo haraadiga kooxaha Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya gobollada dalka qaarkood.

WARARKA