Talaado 11, March 2025 {HMC} Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa mamnuucday in muddo 11 cisho ah qaadka loo iib geeyo deegaannada dhaca Furimaha Dagaalka buuraleyda calmiskaad Gobolka Bari sida lagu sheegay qoraal uu soosaaray Taliyaha Ciidamada Difaaca Puntland Sarreeye Guuto Aadan Cabdi Xaashi.
Waxa uu sheegay in sababo amni dartood loo joojiyay muddo 11 maalmood, ciddii jabisa ama diidda amarkaasina la horgeynayo maxkamad si loola xisaabtamo sida uu hadalka u dhigay Taliyaha Ciidanka Difaaca DG Puntland.
Ciidanka Hilaac ee jooga Furimaha Dagaalka ee Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa dhul-baaxad weyn isku fidiyay iyaga oo difaacyo adag ka dhigtay deegaannada ay ku horfadhiyaan Daacish si ay uga qabsadaan deegaannadaas.