spot_imgspot_imgspot_img

Imaaraadka Carabta oo war ka soo saaray Safarkii Madaxwayne Xasan Sheekh.

Talaado 11, March 2025 {HMC} Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan ayaa shalay ku soo dhaweeyay Abu Dhabi Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo booqasho shaqo ku jooga Imaaraadka Carabta.

Kulan ay yeesheen labada hogaamiye ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, ahna Guddoomiyaha Maxkamadda Madaxtooyada, H.H. Sheikh Mansour bin Zayed Al Nahyan, iyo Dhaxal-sugaha Dubai, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, ahna Wasiirka Difaaca, H.H. Sheikh Hamdan bin Mohammed bin Rashid Al Maktoum.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay dowladda Imaaraadka Carabta, kulanka oo ka dhacay Qasr Al Bateen ee Abu Dhabi, labada Madaxweyne ayaa is dhaafsaday salaamo iyo hambalyo ku aaddan bisha barakaysan ee Ramadaan, iyagoo Alle uga baryay horumar iyo barako sii kordha oo u gaar ah dalalkooda iyo shacabkooda.

“Wadahadalladu waxay diiradda saareen xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya Imaaraadka iyo Soomaaliya, iyagoo ka arrinsaday fursadaha lagu horumarin karo iskaashiga dhinacyada kala duwan, gaar ahaan dadaallada lagu xoojinayo koboca iyo xasilloonida Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay wakaaladda wararka Imaaraadka Carabta ee WAM.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Imaaraadka Carabta taageerada joogtada ah ee uu siiyo horumarka Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee Imaaraadku ka ciyaaray sidii shacabka Soomaaliyeed u gaari lahaayeen yoolalkooda koboca, xasilloonida, iyo barwaaqada.

WARARKA