spot_imgspot_imgspot_img

Faah-faahinta:qarax saaka ka dhacay magaalada baladwayne.

Talaado 11, March 2025 {HMC} Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax saaka ka dhacay magaalada baladwayne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Qaraxa oo ahaa mid laga soo buuxiyay gawaari ayaa aroornimadii hore ee saaka ka dhacay xaafada Howlwadaag oo ka tirsan xaafadaha Magaalada.

Goobta uu qarax uu dhacay ayaa lagu macabaa dabaqa qaahira kaasi ay ku suganaayeen odayaasha dhaqanka iyo qaar kamid ah maamulka degmada baladwayne.

Qarax kadib waxaa xigay is rasaasayn dhax-martay xubnihii weerarka soo qaaday kuwaasi oo gudaha ugalay dabaqaba qaahira oo ah halka uu ka dhacay qaraxa.

Si rasmi ah looma oga qasaaraha ka dhashay qaraxaasi balse wararka ayaa sheegaya in uu jiro qasaaro badan.

Xaalda magaalada ayaa maalmihii lasoo dhafay aad uwanaagsaneed iyadoo Amniha guud ee magalada lagu wareejiyay Ciidamo ka tirsan milliriga soomaaliya iyo kuwa Nabadsugidda.

WARARKA