spot_imgspot_imgspot_img

Dhacdo Argagax leh oo ka Dhacday Ismaamulka Kisumu

Talaado 11, March 2025 {HMC}  Booliiska Kenya gaar ahaan waaxda dambiyada baarta ayaa dabagal ku haya xogta Gabar 19 jir ah oo magaceeda la qariyay oo dishay Adeerkeed oo isna jiray 41, dilkaan ayaa ka dhacay Xaafadda Ong’eche sida wararku sheegayaan.

Inanta ayaa adeerkeed dishay kaddib markii isaga oo sarkhaansan uu isku dayay in uu xadgudub ku sameeyo balse Mindi u dhowayd ugu geysatay dhaawac halis ah oo ugu dambeyn u geeriyooday sida xogaha muujinayaan.

Gabadha oo ku jirtay sanadkii ugu dambeeyay ee Dugsiga Sare ayaa la nooleed Ayeeyadeed oo da’ ah oo aan ka difaaci Karin Adeerkaas damcay in uu sumad dil ku sameeyo sida ay muujiyaan macluumaad hordhac ah oo Booliiska uu helay.

Warar kale ayaa sheegaya in Gabadhu ay baxsatay dilka kaddib iyada oo ay ku raad-joogaan Hay’adaha ammaanka Dalka Kenya oo xogteeda iyo Sawirkeeda u gudbiyay goobaha la isaga kala gudbo si loosoo qabto.

Maydka Ninka ayaa la dhigay qaybta la dhigo Dadka dhinta ee Isbitaalka Hoose ee Ahero halkaas uu lagu marinayo baaritaan dheeraad ah si diiwaanka loo geliyo xogta rasmiga ah looga qoro warqadda muujinta dhimashadiisa.

Waa dhacdo layaab ah oo dhalisay Argagax iyo buuq badan, Booliiska ayaa dadka rayidka ah ka dalbaday in ay lasoo wadaagaan xogta eedeysanaha Baxsadda ah ee dishay Adeerkeed si su’aalo looga weydiiyo kiiskaas dhacay.

WARARKA